• Home
  • News
  • Agaasimaha Wasaaradan Warfaafinta Somaliland oo tababr u furay Labaatan Hablood oo suxuufiyiina

Agaasimaha Wasaaradan Warfaafinta Somaliland oo tababr u furay Labaatan Hablood oo suxuufiyiina

Hargeysa – (warsoor) – Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Jamhuuriyada Somaliland Faysal Cali Sheekh ayaa Maanta tababar ay ka qayb qaadan doonaan labaatan hablood oo warbaahinta dalka ka kala socda waxa uu maanta uga furay xarunta ururka Soksa.

Labaatankan hablood oo mudo labaatan cisho ah ku baran doona duruus la xidhiidh habka aasaasiga ah ee barashada mihnada saxaafada ayaa waxaa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Faysal Cali Sheekh oo sheegay in Wasaarad ahaan ay dhiirigelinayaan hablaha Warbaahinta ku jira isla markaana ay ku dadaalayaan sidii ay aqoontooda kor loogu qaadi lahaa.

Tababarkan oo ay hirgelintiisa ay iska kaashadeen ururka haweenka Suxufiyiinta ee dalka Finland iyo ururka Socsa ayaa waxaa ka hadashay Gudoomiyaha Ururka Socsa Khadra Kaliil oo ku dhiirigelisay hablaha aqoon isweydaarsigan ka qayb qaadan doona inay ka faa’iidaystaan mudada uu u socda isla markaana duruusta ay qaadanayaan ku dabaqaan hawlahooda shaqo.

Waxaa kale oo Madashaasi ka soo qayb galay Agaasimaha dalada dhalinyarada Sonyo Siciid Maxamed Axmed.

Leave A Comment

Ready to start your next project? Startus@7oroof.com

Follow Us